Posts

Showing posts from March, 2020

La Kulan- Ninka 45-kii sanno lasoo dhaafay dhigayay afka hooyo

Faarax Xuseen Maxamed waxa uu ku dhawaad muddo 45 sanno ah dhigayay afka hooyo isaga kamid ahaa macallimiintii loo qaatay barnaamijka waxbarashada aasaasiga ee Primary Program ( PP). Waxa uu xirfadda barannimada noqday isaga oo 20 jir ah waxayna aheyd sannnadkii 1976-kii , waxa uu dhige ka ahaa  iskuullo  hoos imaan jirey waxbarashadii sarreysay ee xukunka Kacaanka xilligaasi. Laga soo bilaabo 1976-kii ilaa 1982-kii ayuu ka qeyb ahaa waxbarashada aasaasiga ee PP. Intiii u dhaxeysay 1982-84, ayuu dhiganayay jaamacadda Ummadda qeybta waxbarashada ee Lafoole oo uu taqasus ahaan uga baxay luuqadaha soomaaliga iyo englishka, iyadoo xilligaasi baahi loo qabay macallimiinta, waxaana heerka jaamacadda aasaasiga lagu soo koobay laba sanno. 1984-kii markii uu soo idleystay heerka jaamacadda waxa uu kamid ahaa barayaal loo qaaday magaalada Beledweyne isaga oo dhige ka noqday iskuulka Axmed Warsame Secondary School oo Beledweyne ku yiillay balse markii danbe waxaa loo soo weeciyay M...