Talisyadii Xamar Ka La Saanyaday Qaybta #1 I. Xuseen Maxamed-Caydiid Faarax Waxa uu ahaa hoggaamiye soo baxay ka dib geeridii aabbihiis, Maxamed-Caydiid Faarax. Waxa uu haystay, madaxtooyada Soomaaliya iyo xaafadaha ku gedaaman. Ka horna, waxa uu haystay, koonfurta Xamar oo dhan; lagu daray Baydhabo ilaa Jilib. Wallow ay ahayd tallaabo uu aabbihiis [Maxamed-Caydiid] qaaday, haddana waxa uu ahaa xubin ka mid ah, Talisyadii Xamar Ka La Saanayaday. II. Cumar-Filish Maxamuud Maxamed Waxa uu ahaa hoggaamiye ka dhambalmay Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, sannadkii 2001dii oo ahayd xilligii uu ka qayb galay heshiiskii Nakuru ee ay ka la saxiixdeen Dowladda Qaranka ee Ku Meel Gaarka iyo qaar ka mid ah madaxdii Muqdisho. Ka horna, waxa uu ahaan jiray, Xoghayaha Gaashaandhigga ee Ciidanka Xaaji Muuse Suudi Yalaxow. Dhambalankiisii ka dibna waxa uu noqday, hoggaamiye gooni goosad ah oo gaarkiis u leh talis ka amar qaata. Sidaas baa uuna kaga mid noqday, Talisyadii Xamar Ka La Saanyaday. III. Xaaji Muus...