Roobabja iyo Wadooyin Magaalada.
Magalada Muqdisho Marka la Gaaro xilli robaad ka Waxaa aad u bur bura Waddooyin badan taasi oo Sababta dhibatoyin Badan.
Arrinta ugu badan ee Sababta in mar walba ay Burburaan ama ay Xirnaan Laamiyada ayaa ah in an Markii Hore an Loo sameyn ama Lo dhisin Nidaamka Bullaacadaha(Sewage system).
Haddii la dhiso Nidaamka Bullaacadaha (Sewage system) waxaa Yaranaya Burburka Laamiyada, sido kale waxa ay kor u qadeysa Bilicda Waddooyinka.
Inta badan Wadamada Caalamka Laamiyadoda waxa ay Leeyihiin Nidaamka Bullaacadaha.
Magalada Muqdisho Burburkii Kadib waxa la dhisay Waddooyin badan balse an lo sameyn Bullaacado qaadaha Biyaha Wasaqda ee Ka dhasha Roobabka IWM.
Dhismaha Waddooyinkas waxa ku baxa Qarashaad Badan Iyada Oo an Markii hore la Dajin Qorshaha Nidaamka Bullaacadaha (Sewage system).
Tusaale Wadada Makka Almukarama oo ka mid ah Waddooyinka ugu Muhimsan Magalada Muqdisho Ma lahan Nidaamka Bullaacadaha Midkii Hore ee Dowlidii AUN madaxweyne Maxamed Siyad Bare waa ay Xirmeen ama wey Burbureen.
Si Looga Baaqsado Burburka Laamiyada loona Ilaaliyo Bilicda Caasimadda Waxaa Habon in :-
1. In Waddooyinka waa weyn Loo Dajiyo Qorsho Lagu Hir gelinayo Nidaamka Bullaacadaha.
2. In Dayactir Xooggan lagu sameyo lana dhiso Bullacadiihii Hore.
3. In Dib u Habeyn Casri ah Lagu Sameyo Warrooyin kii Hore Sida Warta Siigale, tan Warta Nabada, tan Buulo xubey, Bondhere, Fagax sido kalana la Dhiso Kuwo Kale Si loga Baaqsado Biyaha Roobabka ee Sababi laha Burburka Isla markaana kor Loogu Qaado Billicda Caasimada.
4. In laga Faideysto Biyahas Loma Sameyo Daweyn (sewage Water treatment) ama in Siyaabo kale lo isticmalo.
Waxaa bartiis facebookgu ku qoray
Cismaan Caaqil (Osman Nor Osman).
Comments
Post a Comment