Cilmiga Falag(Xidigis)
Xidigis (Af Ingiriis : Astronomy; Af carabi: علم الفلك).
sidoo kale loo yaqaano Cilmi Fallag iyo Cilmiga Xidigaha waa cilmiga barshada Meereyaasha, Xidigaha, dayaxaanta, Galaagsiyada iyo dhamaan Koon eeynu ku noolnahay.Cilmi Fallaga waa qeeyb ka mid ah Sayniska oo si toos ah u sharaxa barshada Koonka.
Qofka aqoonta u leh Cilmi Falaga waxaa loo yaqaanaa Xidigisyahan (astronomer).
Gogoldhig
Xiddigisku waa cilmiga barashada xiddigaha, Meerayaasha, iyo wax allaale wixii dhacdooyin ah ee ka unkama wixii ka baxsan atmosfeerka dhulka. Waxaa lagu falanqeeyaa xidhiidhka ka dhexeeya meerayaasha, xiddigaha, iyo kawnka ka baxsan atmosfeerka hawada. Falanqayntaasi waxay noqon kartaa cimilada hawada, isbeddelka qaab dhismeedka kawnka, kimisteriga iyo fiisigiska walxahaas ku saabsan.
Culuunta xidigiska waxaa horumarkeeda ka mas'uul ah aqoonyahanadii u hana qaadey Dunida Islaamka. Waxaa sugan in Islaamka heer aad u sareeya uu gaarsiiyey waxa maanta ka jira badankii laamaha culuunta sida xisaabaadka, dawada, juquraafiga, ganacsiga iyo nidaamka beeca, sharciga, badmaaxa, abaabulka ciidamada xooga, falsafada, beeraha iyo caafimaadka bulshada. Xigasho qoraal oo laga akhristo kulyada Farsamada Bardera Polytechnic ee ku taal magaalada Baardheere ayaa waxaa lagu bixiyaa dersi ciwaankiisu yahay, Cilmi Fallaga iyo Barashada Islaamka.
Qoon walboo adduunyadda ku nool waxay waxkaqoraan cilmiga xiddigiska markaad u fiirsato somalia reermiyiga markaad wareysato waxaad arkeysaa iyagoon heysan cilmiga tiknoligiyadda ee xoolahooda raacanaya ayey haddana waxkaaga sheegayaan xiddigaha iyo isbedelka hawada iyo guga deyrta iyo xagaaga.
Taariikhdii Hore Islaamka iyo Soo If-bixii Cilmiga Falaga.
Ummadii ugu horeysay ee karantiil ku joojisa faafid cudur waxay aheyd Muslimiintii deganaa dhulka Carabta. Cilmiga Alkami iyo laanta xisaabta ee Aljebra waxaa ay reer galbeedka buugaagta ku qoraan in Carabta laga dhaxley. Balse adeega iyo horumarinta intaas way ka dheereyd wayna ka baaxad wayneyd.
Taas annaga oo og, waxaan is waydiineynaa markii Maamulkii Islaamka uu sharfey barashada laamaha culuunta iyo wax walba oo aadanaha horumar u ah; dhibna aan gaarsiineyn diinta Islaama, maxaan ku kordhiney laanta Xidigiska ama barashada cilmi falaga?
Culimadii Laanta Xidigiska Ee Islaamka u Hano Qaaday.
Falagyaqanada dunida Carabta ee magaca leh waxaa ka mid ah:
Yaquub Ibn Tariq,
al-Kwarismi
al-Battaani,
al-Farqanil
al-Suufi
al-Biruni
al-Tusi
Cumar Khayyam.
Astronomy Buugaag ay nimankaan qaar ka mid ah qoreen iyo faalooyin looga faaloonayo howshoodii ayaad heli kartaa haddii maktabada baarto.
Cilmiga xidigiska oo loogu magac daro Hooyada Sayniska, ayaa waxaa ka qeyb qaatay kobcintiina culimo xidis oo taariikhda Islaamka door weyn ku leh. Waxaana nimankaan ka mid ah Yaqub ibn Tariq, al-Battani, al-Sufi, al-Tusi kuwo kale.
Nimankaan caanka ah qaaraankooda aqooneed wuxuu badankii ka soo jeeda laanta xisaabta laakiin xidigis qof aan xisaab aqoon ma baran karo kamana faaloon karo. Alifaad xogogaal, adeegsiga toorbinada ama diiradaha araga fog, iyo ururinta qoraal waxay u baahanyihiin maskax xisaab taqaan.
Dayaxgacmeedka iyo alaadaha wax cabira ee loo adeegsado barashada iyo u kuurgalka xidigiska iyo guud ahaan cilmiga falaga, shaki la'aan waxaa ku dheereeya reer galbeedka. Sidaas ayeyna arintu aheyd 100 sano wixii ka danbeeyay ee qarnigan. Balse aqoonta xidigiska waxay bilaabtey, gaar ahaan culimadii Islaamka ahaa waxay bilaabeen labo qarni ka dib bilowgii taariikhda Hirjada.
Laso qaybta Xigta....
W/Q: Cumar Max'ed
Faruck
WABIL LAAHI TOWFIIQ.
Faruck
WABIL LAAHI TOWFIIQ.


Comments
Post a Comment