15 MAY SYL
MAY 15 • Maanta maxaa ku asteesan? • Yee ahaayeen 13kii Dhalinyaro ee SYL? • Muxuu ahaa Hadafkoodi? • Mirihii Guusha mahanteen? • Maxay naga MUDANYIHIIN hadaa nahay Jiilka joogta hada? • 13kii SYL magacyadood. Maanta waxay Ummadda Soomaaliyeed u tahay maalin qiimo weyn ugu fadhida, isla markaasna kaalin weyn ku leh dhalashadii iyo hanasahadii xoriyadda Ummadda Soomaaliyeed ay hanatay sanadkii 1960-kii. Xoriyaddii Ummada Soomaaliyeed ay hanatay sanadkii 1960-kii waxaa loo soo maray halgan aad u dheer oo dhiig badani ku daatay, isla markaasna halgamayaal fara badani ay maalkooda iyo naftooda u hureen, si Ummadda Soomaaliyeed ay u helaan xornimo, iyadoo xilligaasi ay aheyd xilli ay qaaraddan Afrika ay si weyn ug halgameysay xoriyadda iyo inay iska qaado heeryaddii gumeysatayaashii reer Yurub oo xoog ku heystay. Xilligaasi waxaa qaaradda Afrika ka shidnaa shulcad loogu magacdaray {Kacdoonkii Xoriyadda ee Afrika}. Maanta oo kale 15-kii bishii May sanadkii 1943-dii waxa...