Cilmiga Falag(Xidigis) Qaybya 2AAD
Bulshada Soomaalida iyo Adeegsiga Aqoonta Xidigiska
Dhanka Soomaalida iyo waxa ummadeena ay ka taqaan cilmiga xidiska iyo adeegsiiisa. Baaris dheeraad ah ayey u baahantahay sida reer miyiga maanta u adeegsadaan aqoontooda xidigiska.
Magacyada Af Soomaaliga Ee Dhulalka
• Dusaa
• Waxaraxir
• Dhul
• Farraare
• Cirjeex
• Raage
• Uraano
• Nebtuun
• Buluuto
Haddii aad fiiriso qaamuuska Af Soomaaliga, waxaad arkaysaa in ummadeena oo reer miyi iyo ma akhristayaal u badan hadana inaan (dhulalal)ama meerayaasha ula baxney magacyo asal ah sida:
Dusaa (Cuddaar)
Waxaraxir (xidiga waabberi)
Dhul (Aduunka)
Farraare (Mariikh)
Cirjeex ama Cirjiir
Raage (Saxal)
Uraano
Nebtuun iyo
Buluuto.
IYO LABA DHULOO HADDA LA SOO ARKAY.
Sidaad aragto, sagaal cir ayaa jira laakiin qoraalkaan diyaarintiisi baaristiisa xigasho oo rasmi ah ma jirin. Reer galbeedka waxay yiraahdaan waa sagaal dhul ama (9 planets). Ka tuur labada dambe. Maxaad haysaa? Waxaad haysaa todobada "cir" ee culimadeenii ay kutubtooda ku qoreen qarniyo badan ka hor waana sida aan u naqaan Sabca Samawaat.
Ma Cirarbaa Mise Waa Dhulal?
Caqliga bini-Aadamkase haddii aad dhulka joogto, wax adiga kaa sareeyo dhul ma dhihi kartid caqliyan ee waxaad oran kartaa cirar. Waa sidaas falsafada Islaamka oo samooyin ayaa jira oo 7 (sabca samawaat ah)(wal arda) ee "dhulal" wax la yiraah ma jiraan. Oraahdan waa fikradii ay qabeen u kuurgalayaashii Islaamkii xiligii ay howshooda socotay. Waana sida aad ku arki karto kutubtii ay ka qoreen mowduucan.
Waxaa lagama maarmaan ah in fadhi ku haboon la helo si barashada iyo aqoonta gaar ee ay Soomaalida u leedahay cilmiga falaga la helo sida waax jaamacadeed iwm. Qoraalo kale oo waxaa jira raadraac ku samaynayo sida Soomaalida ay ugu xisaabtanto aqoonta aasaasiga ee cilmi fallaga.
Islaam 7 Cir & 7 Dhul
Baaris dheeraad ah iyo ku laabasho tafsiirka Qur'aanka ayaa cadeeyay in tiradu tahay 7 & 7.
Qaybta hore ee aayada 12aad, "Ilaahay waa kan abuuray todoba cir oo dabaqdabaq ah dhulkana tira la eg..." haa
Waa dhulal ee cirar ma ahan
Waxa loo yaqaaan (ingriis: planets) waa dhulal. Haddii aan tusaale ahaan u soo qaadano luuqada ingiriiska ereyga "earth" waa dhul, dhulkana labo micnood ayuu yeeshaa oo waa dhulka guryaha laga dhisto ama waa midka meeraha ah ee qoraxda ku meereeysta. Erayga dhul laba micnood ayuu yeellan karaa. Markii aan hawada dhow aan ka baxno oo aan gaarno meesha daxay gacameedka gaaro markaas afarta dhinac waxaa naga xigaya cir. Cirkana waa isbeeyska afarta dhinac ka xiga dhulka. Marka aan dhulka joogno ma arki karno afarta dhinac ee cirka ah laakiin waxaan aragnaa qaybta sare kaliya. Dhulalka ama planet-yada mid midka kale ka sareeya ma leh ee kuligood waxay ku meereeystaan qorraxda wayna isla siman yihiin oo ayagoo simman ayey heehaabaan cirka.
La soco qeybt Xigta...
GOOL IYO GOBAMIMO
W/Q: Cumar Max'ed
Faruck
WABIL LAAHI TOWFIIQ.
Comments
Post a Comment