Tallaalka Covid-19: Maxay tahay dawada AstraZeneca ee Soomaaliya la geeyay?
Tallaalka cudurka Covid-19 ee ay soo wada saareen shirkadda AstraZeneca iyo Jaamacadda Oxford ayaa saaka magaalada Muqdisho laga dajiyay. Shixnad Tallaalka oo gaaraysa ilaa 300,000 oo ah nooca Oxford-AstraZeneca si loo gaarsiiyo boqolkiiba 20 dadka ku nool Soomaaliya. Waxaan tallaalkan la siin doonaa howlwadeenada caafimaadka ee ka howlgala cisbitaallada, Booliska, dadka da'da ah iyo dadka la daala-dhacaya xanuunada kala duwan. Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ka faa'ideysanaya barnaamijka Covax ee ay hoggaamineyso Qaramada Midoobey ee ujeedkiisu yahay in tallaalka Covid-19 lagu gaarsiinayo waddamada saboolka ah. Muxuu yahay talaalkan? Shirkadda AstraZeneca ee soo saarta dawooyiinka ee fadhigeedu yahay UK oo kaashanaysay jaamacadda Oxford ayaa soo saartay talaalkan looga hortagayo fayraska koroona, dhamaadkii sanadkii hore. Talaalka sidiisaba, wuxuu unugyada difaaca jirka u diyaariyaa sidii ay 80% uga hortagi lahaayeen in ku dhaco qofka Covid-19. Natiijooyinka ka soo ba...