Tallaalka Covid-19: Maxay tahay dawada AstraZeneca ee Soomaaliya la geeyay?

 Tallaalka cudurka Covid-19 ee ay soo wada saareen shirkadda AstraZeneca iyo Jaamacadda Oxford ayaa saaka magaalada Muqdisho laga dajiyay.


Shixnad Tallaalka oo gaaraysa ilaa 300,000 oo ah nooca Oxford-AstraZeneca si loo gaarsiiyo boqolkiiba 20 dadka ku nool Soomaaliya.

Waxaan tallaalkan la siin doonaa howlwadeenada caafimaadka ee ka howlgala cisbitaallada, Booliska, dadka da'da ah iyo dadka la daala-dhacaya xanuunada kala duwan.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ka faa'ideysanaya barnaamijka Covax ee ay hoggaamineyso Qaramada Midoobey ee ujeedkiisu yahay in tallaalka Covid-19 lagu gaarsiinayo waddamada saboolka ah.


Muxuu yahay talaalkan?


Shirkadda AstraZeneca ee soo 

saarta dawooyiinka ee fadhigeedu yahay UK oo kaashanaysay jaamacadda Oxford ayaa soo saartay talaalkan looga hortagayo fayraska koroona, dhamaadkii sanadkii hore.


Talaalka sidiisaba, wuxuu unugyada difaaca jirka u diyaariyaa sidii ay 80% uga hortagi lahaayeen in ku dhaco qofka Covid-19.

Natiijooyinka ka soo baxay hay'adda Caafimaadka Dadweynaha England (NHS), waxay ku saleysan yihiin dadka da'doodu ka weyn tahay 80 sano, oo ka mid ahaa kuwii ugu 

horreeyay ee laga billaabay tallaalkan.

In ka badan 10,000 qof oo mutadawiciin ah oo ku sugan dalka UK iyo dalal kale ayaa ka qeyb galay tijaabada talaalkan.

Marka la isku duro, wuxuu difaacayaa jirka oo baranaya sida loola dagaallamo fayraska dhabta ah, haddii loo baahdo.

Si ka duwan tallaalka Pfizer, oo ay tahay in lagu hayo meel ka qabow (-70C), tallaankan Oxford waxaa lagu keydin karaa qaboojiye caadi ah. Tani waxay fududeyneysaa in la geeyo talaalkan meelo badan.

Tijaabo lagu sameeynayay talaalkan ayaa mar sababay in laga hakiyo guud ahaan caalamka ka dib markii dadka sida mutadawacnimada ah loogu tijaabiyay ee dalka UK uu jirkooda uga falceliyay si ka duwan sidii la rabay.            Waxay ahayd markii labaad oo hakad lagaliyay talaalka ay iska kaashanayaan jaamacadda Oxford iyo shirkadda AstraZeneca.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in dadkii ka qeyb galay tijaabada talaalka la dhigay isbataal laguna sameeyay baaritaan madaxbanaan.

Walaaca laga qabo nooc ka mid ah tallaalka covid-19?

Netherland ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyay ee hakiya isticmaalka tallaalka korona ee AstraZeneca sababo la xiriira walaac ka imanaya dhibaatooyinka uu keenay.

Dowlada Dutch ayaa sheegtay in talaabadan oo socon doonta ugu yaraan illaa 29-ka bisha Maarso ay tahay mid taxadar ah.

Jamhuuriyadda Ireland ayaa mar sii horreysay go'aan la mid ah ka qaadatay ka dib markii warbixinno lagu sheegay in xinjirowga dhiigga ee dalal badan laga soo weriyay.

"Dalalka waa in aysan joojin isticmaalka tallaalka Covid-19 ee AstraZeneca sababo la xiriira in uu keeno xinjiro fadhiista dhiigga, iyadoo aysan jirin wax muujinaya in ay taasi run tahay," ayuu yiri Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Bulgaria, Denmark iyo Norway ayaa ka mid ah dalalka hakiyay isticmaalka tallaalkaas. Balse afhayeen u hadashay WHO ayaa maanta sheegtay in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya tallaalka iyo xinjiraha dhiigga galay. Margaret Harris, ayaa sheegtay in 

"tallaalkan uu yahay mid aad u fiican" oo ay tahay in la sii wado isticmaalkiisa.

Ilaa 5 milyan oo Yurub u dhashay ayaa illaa iyo hadda qaatay tallaalka AstraZeneca.

Waxaa jiro illaa 30 kiis oo gudaha Yurub laga soo sheegay, kuwaas oo ka mid ah dadkii tallaalka qaatay oo uu ku dhacay xinjirowga dhiigga. Waxaa sidoo kale jiro warar sheegaya in nin 50 sano jir ah uu ku dhintay Taliyaaniga ka dib markii uu xanuunsaday.


WHO ayaa baareysa wararkaas, sida ay sheegtay Ms Harris.

Balse wax xiriir ah oo la ogaday inuu ka dhaxeeyo tallaalka iyo dhibataooyinka la sheegay ma jiro, sida ay sheegtay afhayeenka.

Go'aanka Bulgaria ee lagu joojinayo qeybinta tallaalka ayaa yimid ka dib markii tallaabo taas la mid ah ay qaadeen dalalka Denmark, Iceland iyo Norway iyo sidoo kale Thailand. Taliyaaniga iyo Austria ayaa sidoo kale joojiyay qeybo ka mid ah xirmooyinka tallaalka.

Hay'adda Dawooyinka ee Yurub, iyo waaxda xakameysa dawooyinka ee Midowga Yurub ayaa goor sii 

horreysay sheegay in aysna jirin wax muujinaya in tallaalku uu sababo xinjiro dhiigga dhex fadhiista.

AstraZeneca ayaa sheegtay in badqabka tallaalka si wayn loogu baaray sheybaarrada.

Dalalka kale, sida UK, Jarmalka, Australia iyo Mexico, ayaa sheegay in ay sii wadayaan isticmaalka tallaalka.

Xigasho Bbc 15-03-2021

Taladayda

Talaalka waa daawo saamayn wuu yeelan karaa balse waxaa lama horaan eh qofkii hayo talaabo Cilmiga Sayniska ka xiriirto haayo inuu noo soo bandhiga, guud ahaa duna ina ka ban 25M ayaa qaatay dhawaan, way jirtaa meela qaar samayn laga soo sheego. Dadka dunida ku noolneh isku DNA ma ahan ama waxuu ku qabi karaa Xasaasiyad, Soomaali maanta waxaa daah furay Madaxwayne iyo Warsiirkiisa Caafimaad waa talaabo bogaadin mudan.
Dhamaan inta ay gaarto fariintayda anigiba aan is biloowee Talaalka waa inaa u diyaargarownaa Qaadashadiisha.

#TALAALKA_WAA_QAADANAA.



Comments

Popular posts from this blog

Cilmiga Falag(Xidigis)

Cilmiga Falag(Xidigis) Qaybya 2AAD

Sooyaalka Magaalada Xamar