Posts

Showing posts from August, 2020

Cilmiga Falag(Xidigis) Qaybya 2AAD

 Bulshada Soomaalida iyo Adeegsiga Aqoonta Xidigiska Dhanka Soomaalida iyo waxa ummadeena ay ka taqaan cilmiga xidiska iyo adeegsiiisa. Baaris dheeraad ah ayey u baahantahay sida reer miyiga maanta u adeegsadaan aqoontooda xidigiska. Magacyada Af Soomaaliga Ee Dhulalka • Dusaa • Waxaraxir • Dhul • Farraare • Cirjeex • Raage • Uraano • Nebtuun • Buluuto Haddii aad fiiriso qaamuuska Af Soomaaliga, waxaad arkaysaa in ummadeena oo reer miyi iyo ma akhristayaal u badan hadana inaan (dhulalal)ama meerayaasha ula baxney magacyo asal ah sida: Dusaa (Cuddaar) Waxaraxir (xidiga waabberi) Dhul (Aduunka) Farraare (Mariikh) Cirjeex ama Cirjiir Raage (Saxal) Uraano Nebtuun iyo Buluuto. IYO LABA DHULOO HADDA LA SOO ARKAY. Sidaad aragto, sagaal cir ayaa jira laakiin qoraalkaan diyaarintiisi baaristiisa xigasho oo rasmi ah ma jirin. Reer galbeedka waxay yiraahdaan waa sagaal dhul ama (9 planets). Ka tuur labada dambe. Maxaad...

Qurbo joog iyo Sheeko layaab leh

Image
 Soomaalida u dhoofay Qurbaha mararka qaar waxaa qabsada dhacdooyin layaab leh, sida tan soo Soo socoto. Waxaa bartii Facebook ku qoray: Ahmed Kadiye. "2009 ayaan mid Soomaali ah meel Maxkamad ah uga tarjumay maadaama aan luqad dhaamay, su'aalo ayaa la waydiinayay, su'aal waxaa la waydiiyay eheed, "Soomaaliya markaad joogtay maxaad qaban jirtay?" Ninkana mid shactiroole ah ayuu caadi ahaan iska ahaa, wuxuu yiri "Waan xariiftami jiray camal". 😂 Erayga xariiftan ayaa iga degaandegi waayay, waxaan ku fasiray inuu tuugsan jiray cml markuu Soomaaliya joogay, asigana waan u sheegay inaan sidaas iri 😂 Kadibna qosal ayaan isku celin waayay, illaa uu qaadigii si xun ii eego, ninkii aan wax u tarjumayayne uu xanaaqo. Maalintaasi ayaana nolosheyda iigu danbeysay meel maxkamad ah inaan ka tarjumo. 😂 Commnet ga inoo reerb dhacdo tan oo kale hadaa mashaqay ama ku dhacday.     MAHADSANID. Omar Mohamed      Faruck.

Cilmiga Falag(Xidigis)

Image
 Xidigis (Af Ingiriis : Astronomy; Af carabi: علم الفلك). sidoo kale loo yaqaano Cilmi Fallag iyo Cilmiga Xidigaha waa cilmiga barshada Meereyaasha, Xidigaha, dayaxaanta, Galaagsiyada iyo dhamaan Koon eeynu ku noolnahay. Cilmi Fallaga waa qeeyb ka mid ah Sayniska oo si toos ah u sharaxa barshada Koonka.  Qofka aqoonta u leh Cilmi Falaga waxaa loo yaqaanaa Xidigisyahan (astronomer). Gogoldhig Xiddigisku waa cilmiga barashada xiddigaha, Meerayaasha, iyo wax allaale wixii dhacdooyin ah ee ka unkama wixii ka baxsan atmosfeerka dhulka. Waxaa lagu falanqeeyaa xidhiidhka ka dhexeeya meerayaasha, xiddigaha, iyo kawnka ka baxsan atmosfeerka hawada. Falanqayntaasi waxay noqon kartaa cimilada hawada, isbeddelka qaab dhismeedka kawnka, kimisteriga iyo fiisigiska walxahaas ku saabsan. Culuunta xidigiska waxaa horumarkeeda ka mas'uul ah aqoonyahana...

Nin dhinta 20 dhinta oo Halkisii hada lagu soo Baaraarugay.

Image
James Beathard XIGASHADA SAWIRKA,JACKIE BLACK Xilligii la dilay: 9 December 1999 Waqtiga uu wax baranayay: 15 sano Shaqadiisa: Farsamo-yaqaanka Mootooyinka Kaddib markii dacwaddiisa la qaaday, markhaatigii ugu muhiimsanaa ee dacwad oogeyaasha ayaa diiday inuu ku markhaati furo, saddex kamid ah xubnaha dacwadda dhageysanayayna waxay soo jeediyeen in loo naxariisto. Hadalkiisii ugu dambeeyay: "Waxaan rabaa inaan ku billaabo muujinta jacaylkii ay qoyskeyga ii hayeen. Ma jiro nin adduunkan ku nool oo iga qoys fiican aniga. Waxaan lahaa waalidiinta ugu wanaagsan dunida. Waxaan heystay nolosha ugu wanaagsan adduunka ee uu nin heli karo. Aad baan ugu faanayaa wiilkeyga iyo gabadheyda. "[Waxaa jira] dhowr arrimood oo aan rabo inaan ka hadlo, maadaama xilligan uu yahay waqtiga yar ee qof walba uu dhageysanayo waxa aan sheegayo. Mareykanku wuxuu joogaa [heer] maanta [aysan jirin] qaddarin loo hayo nafta bani'aadanka. Geerideydu waa calaamad muujineysa cudur intan k...
  Araaji Qabashada Dufcada 2-aad, ee Culuumta Siyasadda (Political Science) oo Bilaabatay August 17, 2020.   Jaamacada Ummada Soomaaaliyeed oo La aasaasay 1954, ayaa waxay Bulshada Soomaaliyeed ee jecel waxbarashada Sare ee (Postgraduate) ugu Bishaaraynaysaa in ay Qaadaneyso Dufcadii Labaad ee Culuumta Siyasadda (Political Science) . Hadaba Shuruudaha Laga Doonayo Ardeyga Soo Codsanayo Waa : Inuu heystaa shahaadada heerka koowaad ee Jaamacadda (Bachelor degree) isla markaana la xiriirtaa Culuumta Bulshada. Inuu keenaa shahaadada asalka ah iyo maadooyinka uu soo qaatey (Original certificate and transcript) iyo koobigooda oo tasdiiqsan. Inuu soo qorto codsi ka mid noqoshada waxbarashada takhasusiga ah. Inuu la yimaado labo sawir oo teesaro ah. Inuu keenaa warqad dhalasho iyo sugnaan. Barnaamijkaan waxaa wax ka dhig doono khubaro aqoon fiican u leh  Culuumta Siyaasadda (Political science). Arji qabashadu wax bilaabatay  10 August, 2020 , waxa ayna ku ektahay   10 s...

Dadka Kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye.

Bari baa Nin Caaqil ahaa Su aal la waydiiye waxana aheed, "Dadka fiicfiican Dunida maxee ugu waari waaye ama Goor hore u dhintaan?" Caaqilkii ayaa ugu jawaabay sidan. MARKA AAD RABTO FIYOORE GEENA AA TAGTO MID SOO SATAA?  "KAN UGU QURXQN" Biya dhaca hadalkayga wuu ku qotamaa qorsan soo socoto ee ka bogo. Wariye: Mohamed I.Mucalimuu ayaa bartiis  facebook ga ku qoray hadalankan "Aniga waa nabad qabaa ,wax dhaawac ah oo i gaaray ma jirto ,Ilaah ha u naxariisto saaxiibkeey Abdirizak Abdi Abdullahi. Ma aha wax qoraal kooban uu ku sifeyn karo qof goobjoog u ahaa dhacda xanuun iyo uurkutaalo badan oo ay. ku dhinteen dad aan waxba galabsan .Saacaddu markii ay aheyd abaarihii 4tii oo rubuc la' kadib salaadii casar ayaa waxaa i soo wacay C/risak oo ah saaxiib aad iigu dhawaa oo inta  badan galinka danbe iyo fiidkii aan wada joogno. Wuxuu ii sheegay in Wasaaradda Warfaafinta oo Agaasime waaxeedyadeeda uu ka mid ahaa uu ka soo rawaxayo uuna doonayo inaan qaxwo u raads...

Sheeko macalinkii Madaalada#1

Macallin Xalay oo dhan Qaad ku dhafray, ayaa Fasal soo galay. Ul ayuu Miiska soo saartay Ardaydiina waxa uu ku yiri: kii shanqar yar sameeyo, 10 Ul ayaan ku dhufanayaa, Kursigii ayuuna gadaal gadaal ugu seexday. Ardaydii oo wada Aamusan iyo isagii oo khuurinayo ayuu Maamulihii Dugsiga oo Dul taagan ku soo toosay. Mar kaliya ayuu indhaha kala furay, kuna yiri Ardaydii: Ma fahamteen Qisada Asxaabul kahfi ee Qur’aanku noo sheegay. W/Q: Cumar Max'ed Faruck WABI LAAHI TOWFIIQ.

Ogeysiis Ogeysiis Ogeysiis

Image
Ogeysiis Dhammaan Ardayda rabto inay ku soo biirto Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sannad tacliimeedka 2020-2021, waxaa la ogaysiinayaa in qabashada araajida codsiga ay bilaaban doonto 03/08/2020 insha allah . F.G 1- Ardayda Sanadkan u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga waxay qabashada araajida ay bilaabanaysaa ka dib markii ay soo baxdo natiijada Imtixaanka Sannad Dugsiyadeedka  2019/2020  ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare . 2-Ardayda haysta shahaado dugsi Sare ee dibadda waa in ay lahaataa Tasdiiq Wasaaradda Waxbarashada , Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Dalka uu wax ku bartay iyo Safaaradda Soomaaliya ee Waddankaas. Xafiiska Diiwaaniyah Guud waxaa uu ku yaalaa Kulliyadii Farsamada ee KM4 oo ku dhaw Dugsiga 21 oktoobar. General Register Office Xafiiska Diiwaaniyaha Guud Tel:0617494201 Email:  diiwaan@snu.edu.so https://snu.edu.so Information Columbia Rd, Hamar Weyne, P.O Box 15 Mogadishu, Somalia 866002 / 866003 / 866004 +2520617494202 / 252617494200 j...

DALJIRKA DAAHSOON#3

Image
Taariikhda Kooban ee Dr. Xaawo Cabdi. Waxaa maanta Muqdisho ku geeriyootey Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo ka tirsaneyd dhakhaatiirka ugu caansan Soomaaliya, isla markaana lagu bartay hawlaha banii’aadnimada. Xaawo Cabdi oo dhalatay 1947-kii, waxbarashada aasaasiga waa Muqdisho halka jaamacadda kusoo baratay Ukrain oo markaasi ka tirsaneyd midowga Soviet iyada oo ku taqasustay cururada haweenka iyo dhalmada, waxaa ay sidoo kale kaaliye bare ka noqotay jaamacadda umadda Soomaaliyeed, ardeyda ay soo saartay ayaa maanta dunida ku baahay. Burburkii dowladda 1991-dii, waxaa ay Lafoole ka furtay isbitaalka Xaawo Cabdi oo sidoo kale Kaam u ahaa 90,000 oo qof. Waxaa Isbitaalkeeda soo martay in ilaa 400 qof ay qaabisho iyada oo dhakhaatiirta 5 ka yar yihiin, Isbitaalka marka laga sootago waxaa ay furtay iskuul iyo goobo kale iyada oo qabyaaladda la dagaalanka iyo jirdilka haweenka. Caruurteeda waxaa ka mid ah labada gabdhood ee Deeqa iyo  Aamina oo labada hadda dhakhaatiir ah, kana shaq...