Nin dhinta 20 dhinta oo Halkisii hada lagu soo Baaraarugay.


James Beathard


XIGASHADA SAWIRKA,JACKIE BLACK

Xilligii la dilay: 9 December 1999

Waqtiga uu wax baranayay: 15 sano

Shaqadiisa: Farsamo-yaqaanka Mootooyinka

Kaddib markii dacwaddiisa la qaaday, markhaatigii ugu muhiimsanaa ee dacwad oogeyaasha ayaa diiday inuu ku markhaati furo, saddex kamid ah xubnaha dacwadda dhageysanayayna waxay soo jeediyeen in loo naxariisto.

Hadalkiisii ugu dambeeyay: "Waxaan rabaa inaan ku billaabo muujinta jacaylkii ay qoyskeyga ii hayeen. Ma jiro nin adduunkan ku nool oo iga qoys fiican aniga. Waxaan lahaa waalidiinta ugu wanaagsan dunida. Waxaan heystay nolosha ugu wanaagsan adduunka ee uu nin heli karo. Aad baan ugu faanayaa wiilkeyga iyo gabadheyda.

"[Waxaa jira] dhowr arrimood oo aan rabo inaan ka hadlo, maadaama xilligan uu yahay waqtiga yar ee qof walba uu dhageysanayo waxa aan sheegayo. Mareykanku wuxuu joogaa [heer] maanta [aysan jirin] qaddarin loo hayo nafta bani'aadanka. Geerideydu waa calaamad muujineysa cudur intan kasii weyn. Sidaas si lamid ah, dowladdu waa inay hurdada ka kacdo oo ay joojiso sameynta waxyaabaha lagu burburinayo dalalka kale iyo dilka carruurta aan waxba galabsanin. Cunaqabateynta raashinka iyo hubka ee hadda lagu hayo dalalka ay ka mid yihiin Iiraan, Ciraaq, Cuqa iyo meelo kale - waxba kama baddali doonaan adduunka waxayna dhibaateynayaan carruur masaakiin ah.

"Arrinta laga yaabo inay taas siyaabo badan uga muhiimsan tahay waa in waxa aan ku sameyneyso deegaanka ay sababayaan musiibo weyn, sababtoo ah inta aan ku sii soconno jihada aan haddo ku sii jeedno natiijadeedu waxba kama tareyso sida aan ula dhaqmeyno dadka kale, waayo qof walba sidaas ayuu uga tagayaa adduunka.

"Mid ka mid ah siyaabaha ugu yar ee ay runta bannaanka ugu soo baxdo, ama dadku ay mar uun ku ogaanayaan waxa socda [waa] ilaa inta aan ka taageereyno xorriyadda saxaafadda. Waxaan arkaa in saxaafaddu ay dhibaato ku wajahayaan sidii ay xor u noqon lahaayeen."i

Comments

Popular posts from this blog

Cilmiga Falag(Xidigis)

Cilmiga Falag(Xidigis) Qaybya 2AAD

Sooyaalka Magaalada Xamar