DALJIRKA DAAHSOON#3
Taariikhda Kooban ee Dr. Xaawo Cabdi.
Waxaa maanta Muqdisho ku geeriyootey Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo ka tirsaneyd dhakhaatiirka ugu caansan Soomaaliya, isla markaana lagu bartay hawlaha banii’aadnimada.
Xaawo Cabdi oo dhalatay 1947-kii, waxbarashada aasaasiga waa Muqdisho halka jaamacadda kusoo baratay Ukrain oo markaasi ka tirsaneyd midowga Soviet iyada oo ku taqasustay cururada haweenka iyo dhalmada, waxaa ay sidoo kale kaaliye bare ka noqotay jaamacadda umadda Soomaaliyeed, ardeyda ay soo saartay ayaa maanta dunida ku baahay.
Burburkii dowladda 1991-dii, waxaa ay Lafoole ka furtay isbitaalka Xaawo Cabdi oo sidoo kale Kaam u ahaa 90,000 oo qof.
Waxaa Isbitaalkeeda soo martay in ilaa 400 qof ay qaabisho iyada oo dhakhaatiirta 5 ka yar yihiin, Isbitaalka marka laga sootago waxaa ay furtay iskuul iyo goobo kale iyada oo qabyaaladda la dagaalanka iyo jirdilka haweenka.
Caruurteeda waxaa ka mid ah labada gabdhood ee Deeqa iyo Aamina oo labada hadda dhakhaatiir ah, kana shaqeeya hawlihii Xaawo Cabdi.
Sanadkii 2010-kii, Glamour magazine ayaa u magacawday Shakhsiga sanadka, waxaa ayna ka mid tahay haweenka sida aadka looga xushmeeyo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Drs. Xaawo Cabdi markii ay dalka dib ugu soo laabatay waxay sanadkii 1983-kii ay furtay Isbitaalkeeda oo markii ugu horeysay ay ku bilowday labo qol oo markii hore wax loogu qaban jiray Haweenka Miyiga ku nool ee aan fursadda u heli karin in ay Isbitaallada Muqdisho gaaraan, si gaar ahna waxay u xustay in ay xiligaas Isbitaalka adeegyo caafimaad ka heli jireen Haweenka Foosha ay qabato xiliga habeenkii ee meelaha baadiyaha ah ku sugan.
Web-site ka Hiiraan Online waxuu Drs. Xaawo Cabdi u aqoonsanaysaa shakhsiga sanadka 2007, iyadoo qiimeyntaasna lagu siiyay howsha samafalka ah ee ay Shacabka Soomaaliyeed u heyso, iyadoo weliba ay xusid mudan tahay in sanadkan ay howlihii caafimaad ku darsatay in ay deegaan u sameyso Dad 7000 oo qoys gaaraya, kuwaasi oo samay xoogan ku yeelatay dagaaldii Muqdisho ka socdeen.
Drs. Xaawo Cabdi oo mar sii horeysay u warantay Wargeyska Los Angeles Times waxay sheegtay in ay diiwaangelisay 1,111 Haween ah, kuwaasi oo Uurkii ay lahaayeen uu ka soo halaabay kadib markii ay dhibaatooyin ka dhaceen dalka Soomaaliya, gaar ahaana dagaallada iyo qaraxyada, waxayna intaas ku dartay in ay Soomaaliya ka dhici jireen dagaallo balse aysan jiri jirin haween tiradooda intan la egtahay oo ilmo ay ka soo halaabeen, "Arrintani fajac ayay nagu abuurtay mana arki jirin kiisas noocan oo kale ah, waana is-leeyahay dhibaatooyinka dalka ka dhacaya ee naxdinta leh ayaa qeyb ka ah" ayayna Drs. Xaawo Cabdi.
Isbitaalka Xaawo Cabdi oo ku yaala inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, waxaa daweyn u raadsada Dad badan oo bulshada qeybaheeda kala duwan ka kooban, haba u sii badnaadaanee Haweenka iyo Caruurta. Marka ay halkaas taagan tahay waxaa la is-weydiin karaa howshaas baaxadda leh Drs. Xaawo yaa ku gacan siiya, waana su'aal dabcan qof kasta maskaxdiisa ku soo dhici karta.
Muddo afar sanadood ah waxaa gacan siineysay oo Isbitaalka kala shaqeysay Gabar ay dhashay oo lagu magacaabo Drs. Aamina Maxamed Cabdi, ka dib waxaa kula biirtay gabar kale oo ay dhashay oo iyadana la yiraahdo Drs. Deeqa Maxamed Cabdi, waxayna haatan seddexduba ka wada shaqeenaayeen Isbitaalka Xaawo Cabdi.
Waxaa laweydiiyay Drs. Xaawo sababta keentay in ay Gabdhaheeda raacaan raadkeeda ama saanteeda, isla markaana ay aqoonta Caafimaadka ka soo bartaan qeybtii ay iyada uga takhasustay ee daweynta Cudurrada Haweenka, waxayna ku jawaabtay,
"Gabdhaheyga waxay jecel yihiin in ay raadkeyga raacaan, u gargaarkii Umadda, Soomaalinimadii, Wadaniyaddii iyo Kalgaceylkii dadkooda ee aan ku soo barbaariyay tii bey la qabsadeen, mararka qaarkood marka aan iraahdo howshan aniga ayaa ku soo ba'ay ee ha gelina wey iga diidaan, waxayna go'aansadeen inay dadkooda u shaqeeyaan".
Drs. Xaawa Cabdi oo ka sheekaysay yaraanteedii sheegtay inay Hooyadeed geeriyootay iyadoo 12 sano jir ah, kadibna ay ku soo furatay howshii guriga bacdamaa ay reerkeeda u weydneyd, laakin muddo kadib ayaa Aabaheed oo ahaa Nin mutacalim ah wuxuu u rumeeyay riyadeeda oo ahayd in ay Dhaqtarad noqoto, weyna noqotay.
Drs. Xaawo Cabdi intii ay ku guda jirtay howshan samafalka ah waxay u soo joogtay dhacdooyin badan oo qaarkood ay aad u saameeyeen, waxaana dhacdooyinkaas ka mid ahaa in xiligii ay burburtay dowladdii hore ee Soomaaliya ee dagaallada dhaceen horaantii sagaashamaadkii loogu soo galay Isbitaalkeeda dad dhaawac ah oo jiifa, kuwaasi oo ah dhinac ka mid ah dhinacyadii dagaalamayay, "waxay igu yiraahdeen waan dileynaa, markaas ayaan ku iri marka aad aniga I dishaan ayaad dileysaan, kadibna sidaas ayay dadkaas ku badbaadeen"ayay tiri Drs. Xaawo Cabdi oo sheegtay in ay si weyn u jir-diideyso in Qof Soomaaliyeed qabiil dartiis loo waxyeeleeyo.
Dhanka kalena mark ay Drs. Xaawo Cabdi waxaa Dadka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay ixtiraamaan Shaqaalaha Samafayaasha ah ee u soo gurmaday, isla markaana aysan kula kicin falal ka dhan ah bani'aadannimada, waxayna baaq gaar ah u jeedisay dadka ku dhaqan gobolka Bari, kuwaasi oo ay ka codsaday in ay dhowraan ammaanka dadka samafalayaasha ah ee dadkooda caawinaya, waxayna si gaar ah u codsatay in la sii daayo Samafalayaal lagu af-duubtay Magaalada Boosaaso.
Dhacdo kale oo ay Drs. Xaawo Cabdi u soo joogtay ayaa waxay ahayd in Qoyska Soomaaliyeed oo deganaa meel aan u dheereyn Deegaankeeda in ay dhalinyaro hubeysan u galeen xili habeen ah, kadibna ay isku xireen Aabihii Qoyska iyo labo Wiil oo uu dhalay, dabadeedna ay xabad isaga dhex bixiyeen, iyagoo kadibna Hooyadii qoyska ku watay xoolo ay Qoysku lahaayeen dabadeedna kufsaday, "Waqti kadib ayaa dhibaatadii naloo soo sheegay, markaas ayaan ku baxnay qoyskii dhibaatada loo geystay, waxaan u tagtay Aabihii iyo labadiisii Wiil oo sidii ay isugu xirnaayeen isugu naf-baxay oo isku qalalay, waan kala fujinay, kadibna waan aasnay"ayay tiri Drs. Xaawo oo sheegtay in qoyskaas sababta loo waxyeeleeyay ay ahayd Qabiil uusan shaqo ku lahayn.
Gunaanad
Ugu dambeyntiina, Drs. Xaawo Cabdi waxay Shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba u jeedineysaa baaq ku saabsan in ay Nabaddii si wadajir ah u baadi-doonaan, isla markaana ay iska iloobaan kala qo-qobnaanta iyo qabiil ku dheganaanta.
Aan dhammaanteyn u wada Ducayno Drs. Xawa Cabdi Dhiblaawe howshaa adag oo ay usoo qabatay Bulshda,
ALLLAH UNAXARIISTO.
GOOL IYO GOBAMIMO
W/Q: Cumar Max'ed
Faruck
WABIL LAAHI TOWFIIQ.
Waxaa maanta Muqdisho ku geeriyootey Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo ka tirsaneyd dhakhaatiirka ugu caansan Soomaaliya, isla markaana lagu bartay hawlaha banii’aadnimada.Xaawo Cabdi oo dhalatay 1947-kii, waxbarashada aasaasiga waa Muqdisho halka jaamacadda kusoo baratay Ukrain oo markaasi ka tirsaneyd midowga Soviet iyada oo ku taqasustay cururada haweenka iyo dhalmada, waxaa ay sidoo kale kaaliye bare ka noqotay jaamacadda umadda Soomaaliyeed, ardeyda ay soo saartay ayaa maanta dunida ku baahay.
Burburkii dowladda 1991-dii, waxaa ay Lafoole ka furtay isbitaalka Xaawo Cabdi oo sidoo kale Kaam u ahaa 90,000 oo qof.
Waxaa Isbitaalkeeda soo martay in ilaa 400 qof ay qaabisho iyada oo dhakhaatiirta 5 ka yar yihiin, Isbitaalka marka laga sootago waxaa ay furtay iskuul iyo goobo kale iyada oo qabyaaladda la dagaalanka iyo jirdilka haweenka.
Caruurteeda waxaa ka mid ah labada gabdhood ee Deeqa iyo Aamina oo labada hadda dhakhaatiir ah, kana shaqeeya hawlihii Xaawo Cabdi.
Sanadkii 2010-kii, Glamour magazine ayaa u magacawday Shakhsiga sanadka, waxaa ayna ka mid tahay haweenka sida aadka looga xushmeeyo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Drs. Xaawo Cabdi markii ay dalka dib ugu soo laabatay waxay sanadkii 1983-kii ay furtay Isbitaalkeeda oo markii ugu horeysay ay ku bilowday labo qol oo markii hore wax loogu qaban jiray Haweenka Miyiga ku nool ee aan fursadda u heli karin in ay Isbitaallada Muqdisho gaaraan, si gaar ahna waxay u xustay in ay xiligaas Isbitaalka adeegyo caafimaad ka heli jireen Haweenka Foosha ay qabato xiliga habeenkii ee meelaha baadiyaha ah ku sugan.
Web-site ka Hiiraan Online waxuu Drs. Xaawo Cabdi u aqoonsanaysaa shakhsiga sanadka 2007, iyadoo qiimeyntaasna lagu siiyay howsha samafalka ah ee ay Shacabka Soomaaliyeed u heyso, iyadoo weliba ay xusid mudan tahay in sanadkan ay howlihii caafimaad ku darsatay in ay deegaan u sameyso Dad 7000 oo qoys gaaraya, kuwaasi oo samay xoogan ku yeelatay dagaaldii Muqdisho ka socdeen.
Drs. Xaawo Cabdi oo mar sii horeysay u warantay Wargeyska Los Angeles Times waxay sheegtay in ay diiwaangelisay 1,111 Haween ah, kuwaasi oo Uurkii ay lahaayeen uu ka soo halaabay kadib markii ay dhibaatooyin ka dhaceen dalka Soomaaliya, gaar ahaana dagaallada iyo qaraxyada, waxayna intaas ku dartay in ay Soomaaliya ka dhici jireen dagaallo balse aysan jiri jirin haween tiradooda intan la egtahay oo ilmo ay ka soo halaabeen, "Arrintani fajac ayay nagu abuurtay mana arki jirin kiisas noocan oo kale ah, waana is-leeyahay dhibaatooyinka dalka ka dhacaya ee naxdinta leh ayaa qeyb ka ah" ayayna Drs. Xaawo Cabdi.
Isbitaalka Xaawo Cabdi oo ku yaala inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, waxaa daweyn u raadsada Dad badan oo bulshada qeybaheeda kala duwan ka kooban, haba u sii badnaadaanee Haweenka iyo Caruurta. Marka ay halkaas taagan tahay waxaa la is-weydiin karaa howshaas baaxadda leh Drs. Xaawo yaa ku gacan siiya, waana su'aal dabcan qof kasta maskaxdiisa ku soo dhici karta.
Muddo afar sanadood ah waxaa gacan siineysay oo Isbitaalka kala shaqeysay Gabar ay dhashay oo lagu magacaabo Drs. Aamina Maxamed Cabdi, ka dib waxaa kula biirtay gabar kale oo ay dhashay oo iyadana la yiraahdo Drs. Deeqa Maxamed Cabdi, waxayna haatan seddexduba ka wada shaqeenaayeen Isbitaalka Xaawo Cabdi.
Waxaa laweydiiyay Drs. Xaawo sababta keentay in ay Gabdhaheeda raacaan raadkeeda ama saanteeda, isla markaana ay aqoonta Caafimaadka ka soo bartaan qeybtii ay iyada uga takhasustay ee daweynta Cudurrada Haweenka, waxayna ku jawaabtay,
"Gabdhaheyga waxay jecel yihiin in ay raadkeyga raacaan, u gargaarkii Umadda, Soomaalinimadii, Wadaniyaddii iyo Kalgaceylkii dadkooda ee aan ku soo barbaariyay tii bey la qabsadeen, mararka qaarkood marka aan iraahdo howshan aniga ayaa ku soo ba'ay ee ha gelina wey iga diidaan, waxayna go'aansadeen inay dadkooda u shaqeeyaan".
Drs. Xaawa Cabdi oo ka sheekaysay yaraanteedii sheegtay inay Hooyadeed geeriyootay iyadoo 12 sano jir ah, kadibna ay ku soo furatay howshii guriga bacdamaa ay reerkeeda u weydneyd, laakin muddo kadib ayaa Aabaheed oo ahaa Nin mutacalim ah wuxuu u rumeeyay riyadeeda oo ahayd in ay Dhaqtarad noqoto, weyna noqotay.
Drs. Xaawo Cabdi intii ay ku guda jirtay howshan samafalka ah waxay u soo joogtay dhacdooyin badan oo qaarkood ay aad u saameeyeen, waxaana dhacdooyinkaas ka mid ahaa in xiligii ay burburtay dowladdii hore ee Soomaaliya ee dagaallada dhaceen horaantii sagaashamaadkii loogu soo galay Isbitaalkeeda dad dhaawac ah oo jiifa, kuwaasi oo ah dhinac ka mid ah dhinacyadii dagaalamayay, "waxay igu yiraahdeen waan dileynaa, markaas ayaan ku iri marka aad aniga I dishaan ayaad dileysaan, kadibna sidaas ayay dadkaas ku badbaadeen"ayay tiri Drs. Xaawo Cabdi oo sheegtay in ay si weyn u jir-diideyso in Qof Soomaaliyeed qabiil dartiis loo waxyeeleeyo.
Dhanka kalena mark ay Drs. Xaawo Cabdi waxaa Dadka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay ixtiraamaan Shaqaalaha Samafayaasha ah ee u soo gurmaday, isla markaana aysan kula kicin falal ka dhan ah bani'aadannimada, waxayna baaq gaar ah u jeedisay dadka ku dhaqan gobolka Bari, kuwaasi oo ay ka codsaday in ay dhowraan ammaanka dadka samafalayaasha ah ee dadkooda caawinaya, waxayna si gaar ah u codsatay in la sii daayo Samafalayaal lagu af-duubtay Magaalada Boosaaso.
Dhacdo kale oo ay Drs. Xaawo Cabdi u soo joogtay ayaa waxay ahayd in Qoyska Soomaaliyeed oo deganaa meel aan u dheereyn Deegaankeeda in ay dhalinyaro hubeysan u galeen xili habeen ah, kadibna ay isku xireen Aabihii Qoyska iyo labo Wiil oo uu dhalay, dabadeedna ay xabad isaga dhex bixiyeen, iyagoo kadibna Hooyadii qoyska ku watay xoolo ay Qoysku lahaayeen dabadeedna kufsaday, "Waqti kadib ayaa dhibaatadii naloo soo sheegay, markaas ayaan ku baxnay qoyskii dhibaatada loo geystay, waxaan u tagtay Aabihii iyo labadiisii Wiil oo sidii ay isugu xirnaayeen isugu naf-baxay oo isku qalalay, waan kala fujinay, kadibna waan aasnay"ayay tiri Drs. Xaawo oo sheegtay in qoyskaas sababta loo waxyeeleeyay ay ahayd Qabiil uusan shaqo ku lahayn.
Gunaanad
Ugu dambeyntiina, Drs. Xaawo Cabdi waxay Shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba u jeedineysaa baaq ku saabsan in ay Nabaddii si wadajir ah u baadi-doonaan, isla markaana ay iska iloobaan kala qo-qobnaanta iyo qabiil ku dheganaanta.
Aan dhammaanteyn u wada Ducayno Drs. Xawa Cabdi Dhiblaawe howshaa adag oo ay usoo qabatay Bulshda,ALLLAH UNAXARIISTO.
GOOL IYO GOBAMIMO
W/Q: Cumar Max'ed
Faruck
WABIL LAAHI TOWFIIQ.

Comments
Post a Comment