Qurbo joog iyo Sheeko layaab leh
Soomaalida u dhoofay Qurbaha mararka qaar waxaa qabsada dhacdooyin layaab leh, sida tan soo Soo socoto.
Waxaa bartii Facebook ku qoray:
Ahmed Kadiye.
"2009 ayaan mid Soomaali ah meel Maxkamad ah uga tarjumay maadaama aan luqad dhaamay, su'aalo ayaa la waydiinayay, su'aal waxaa la waydiiyay eheed, "Soomaaliya markaad joogtay maxaad qaban jirtay?"
Ninkana mid shactiroole ah ayuu caadi ahaan iska ahaa, wuxuu yiri "Waan xariiftami jiray camal". ๐
Erayga xariiftan ayaa iga degaandegi waayay, waxaan ku fasiray inuu tuugsan jiray cml markuu Soomaaliya joogay, asigana waan u sheegay inaan sidaas iri ๐
Kadibna qosal ayaan isku celin waayay, illaa uu qaadigii si xun ii eego, ninkii aan wax u tarjumayayne uu xanaaqo. Maalintaasi ayaana nolosheyda iigu danbeysay meel maxkamad ah inaan ka tarjumo. ๐
Commnet ga inoo reerb dhacdo tan oo kale hadaa mashaqay ama ku dhacday.
MAHADSANID.
Omar Mohamed
Faruck.

Comments
Post a Comment