15 MAY SYL
MAY 15
• Maanta maxaa ku asteesan?
• Yee ahaayeen 13kii Dhalinyaro ee SYL?
• Muxuu ahaa Hadafkoodi?
• Mirihii Guusha mahanteen?
• Maxay naga MUDANYIHIIN hadaa nahay Jiilka joogta hada?
• 13kii SYL magacyadood.
Maanta waxay Ummadda Soomaaliyeed u tahay maalin qiimo weyn ugu fadhida, isla markaasna kaalin weyn ku leh dhalashadii iyo hanasahadii xoriyadda Ummadda Soomaaliyeed ay hanatay sanadkii 1960-kii.
Xoriyaddii Ummada Soomaaliyeed ay hanatay sanadkii 1960-kii waxaa loo soo maray halgan aad u dheer oo dhiig badani ku daatay, isla markaasna halgamayaal fara badani ay maalkooda iyo naftooda u hureen, si Ummadda Soomaaliyeed ay u helaan xornimo, iyadoo xilligaasi ay aheyd xilli ay qaaraddan Afrika ay si weyn ug halgameysay xoriyadda iyo inay iska qaado heeryaddii gumeysatayaashii reer Yurub oo xoog ku heystay.
Xilligaasi waxaa qaaradda Afrika ka shidnaa shulcad loogu magacdaray {Kacdoonkii Xoriyadda ee Afrika}.
Maanta oo kale 15-kii bishii May sanadkii 1943-dii waxaa u suurtagashay 13-kii ee dhalinyarada Soomaaliyeed inay dhibada u taagan xisbigii la magac baxay SYC {Somali Youth Club}ama ururuka dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo markii dambe u xuubsiibtay ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL {Somali Youth League}.
Sanadkii 1947-dii bishii May maanta oo kale ayaa ururka SYL si rasmi ah magacaasi u qaatay, xiligaasi waxaa ururka dhisay 13-dhalinayaro ah, kuwaas oo kala ahaa
Horaantii sanadkii 1943-kii ayaa waxaa sheekaystay sida ay taariikhyahanadu sheegeen C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin iyo Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharma’arke oo rag saaxiibo ah oo si weyn isugu xirnaa, islana socon jiray mar kasta, waxay ka wahadleen sidii Ummadda Soomaaliyeed uga bixi laheyd nidaamkii gumeysiga.
Labadaas nin ee dhalinyarada ahaa waxay midba uu jiray xilligaasi 24-sano iyo 26-sano,
Ka dib wahadaladii labada nin ee dhalinyarada ah waxaa ku soo biiray dhalinyaro kale.
waxaana la isku raacay in la dhiso Gole ama naadi dhalinyaro oo ay isku bartaan dhalinyarada, isla markaasna dhalinyaradu wax isku baraan, iyadoo la baranayo luqadda Ingiriiska oo xilligaasi aheyd mid ku cusbeyd gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.
13kii SYL magacyadood?
1. C/qaadir Sheekh Saqaawadiin, waxa uu ku dhashay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool sanadku markuu ahaa 1919-kii, wuxuuna xilligaasi wuuxu jiray 24-sano.
2. Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, waxa uun ku dhashay magaalada Mareeg oo ka tirsan gobolka Galguduud sanadku markuu ahaa 1915-kii, xilligaasi wuxuu jiray 28-sano.
3. Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1917-kii, xilligaasi wuxuu jiray 26-sano.
4. Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1917-kii, xilligaasi wuxuu jiray 26-sano.
5. Cismaan Geedi Raage waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.
6. Dheere Xaaji Dheere waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee obolka Banaadir sanadkii 1926-kii, xilligaasi wuxuu jiray 17-sano.
7. Daahir Xaaji Cusmaan waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.
8. Cali Xasan Maslax waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1927-kii, xilligaasi wuxuu jiray 24-sano.
9. Maxamed Cali Nuur waxa uu ku dhashay degmada Shangaani ee ka tirsan Gobolka Banaadir sanadkii 1927-kii, xilligaasi wuxuu jiray 16-sano.
10. Maxamed Faarax Hilowle waxa uu ku dhashay Mareeg oo ka tirsan gobolka Galgaduud sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.
11. Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi} waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1918-kii, xilligaasi wuxuu jiray 25-sano.
12. Huudoow Macalin Cabdulle waxa uu ku dhashay degmada Mareeray ee gobolka Sh/Hoose sanadkii 1926-kii, xilligaasi wuxuu jiray 17-sano.
13. Maxamed Cusmaan Baarbe waxa uu ku dhashay degmada Baardheere ee gobolka Gedo sanadkii 1910-kii, xilligaasi wuxuu jiray 33-sano.
Gunaanad
Dhanlinta Soomaaliyèed maanta joogta waa ka aqoon badanyihiin kuwaa halgankii Xurnimo doonka gaarsiiye dalka, hase ahaatee ma muuqato yidadiilo oo ay ku samata bixiyaan mar xaladan dalka ka taagan.
MAHADSANID.
Omar Mohamed Faruck.
Omarmjiif@gmail.com
https://www.facebook.com/alfaaruuq5?mibextid=ZbWKwL.



Comments
Post a Comment