Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed April 12.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa uu ka kooban yahay illaa 4 ciidan oo kala ah: ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka cirka iyo difaaca cirka.

April 12 2023.



Dalkeena waxaa uu ciidan lahaa xilligii gumeystaha, Ingiriiska iyo Talyaaniga waxaa ay sameeyeen booliis, ciidanka booliiska waxaa la dhisay sanadkii 1848-dii, Waxaana si rasmi ah loo daahfuray sanadkii 1927, xiligaas oo ay heleen Tababaro iyo aqoon dheeraad ah, waxaa loo aqoon jiray Magacyo ay ka mid yihiin Ciidankii Owrta, Ciidankii Xeebta iyo Talyaaniga oo dhihi jiray Sabatiye.

Aas aaskii Ciidanka 1960.

Ciidanka xoogga dalka waxaa la aasaasay  April 12, 1960-kii kadib qoraal uu soo saaray mudane Cabdulahi Ciise Maxamud oo xitaa dhinac maray talooyin ay siiyeen saraakiishii xiligaas joogtay oo arrinkaas diidanaa sida Maxamed Abshir, Ceynaanshe iyo rag kale.

Ciidamada xoogga dalka waxaa lagu aasaasay 8 horin oo ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya, halkii horin waxaa lagu qiyaasaa 100-120 askari.

Ragga ugu cadcaddaa ee lagu bilaabay ciidanka xoogga dalka dhamaantood waxaa ay ahaayeen Booliis , Waxaa ka mid ahaa Gashaanleyaal sida Da’ud Cabdulle Xersi, Liiqliiqato, Maxamed Ibrahim iyo rag kale iyo kuwoo Captain  ahaa sida Maxamed Siyaad, Cali Samatar, Gabeyre iyo Cabdulahi Yusuf….raggan iyo inkaloo badan waxaa laga wareejiyay ciidanka booliis-ka oo waxaa lagu aasaasay ciidanka xoogga dalka.

Soomaalida markii ugu horeysay oo ay arkaan ciidamada xoogga dalka waxaa ay aheyd July 1, 1960-kii, xiligaas oo ay dalka ka dhigeen dabaaldegyo ku aadan xoriyadda iyagoo la wareegay amaanka dalka iyo dadka.

Saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka waxaa ay sheegayaan in aasaaska ciidanka xoogga uu barbar socday qiiro iyo xamaasad waddaniyadeed oo shacab iyo dowladba leh,  inta ay dadka wadaniyad ka qabaan waxaa qiimo ama percentage lagu daray cashuuraha dowladda hoose si miisaaniyad loogu abuuro ciidamada qalabka sida.

Tiro ahaan ciidanka waxaa la geeyay ilaa 4000 oo ciidan kuwaas oo kala ahaa: 1000 Askari oo Talyaaniga dalka uga tagay, 2000 oo ahaa askar  la qoray iyo 1000 askari oo ka yimid waqooyiga dalka oo xiligaas uu maamuli jiray gumeystaha Ingiriiska.

Sida ay saraakiisha ciidanka noo sheegeen dhibaatada ugu badan waxaa ay ka timid isfahamka ciidan oo qaarkood Army la dhaho sida kuwa waqooyi ka yimid iyo Serjito oo dhinaca Talyaaniga ah.

Si isfaham darridaas looga baxo waxaa uu Taliye Maxamed Ceynaanshe sameeyay afka maanta ciidanka adeegsado ee “Digtoonow”,  “Joogso”,  “Dib u Jeeso” iyo erayada kale ee caanka ah.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed aasaaskii kadib, waxaa ay tababaro, hub iyo saanad kale ka heleen midowga Soviet kadib markii 1963 ay dalka Ruushka safar ku tagay ra’isul wasaaraha dalka Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo taliyaha ciidanka qalabka sida General Da’ud.

Dalka Ruushka waxaa ay ogolaadeen in ay qalabeeyaan ciidamada xoogga dalka oo tiro ahaan la sheegay in ay noqdaan ilaa 35,000, ciidankan ayaa isugu jiray ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka cirka iyo difaaca cirka.

Markii qalabeynta lagu bilaabay ciidamada qalabka sida hadafkooda koobaad waxaa uu ahaa xoreynta dhulka ay gumeystaha ka heystaan Soomaaliya sida Soomaali galbeed iyo NFD.

Hada waxaa socdo qorsha dib u habeyn laguu wado ciidan si ay u soo noqoto awoowedi iyo haybadii ay lahaayeen, ayadoo laya joogo aas aaskoodi 63 sano.

Hambalyo 12 April 2023.

Waxaan dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa sannad-guurada 63aad ee kasoo wareegtay maalintii la aas-aasay ciidanka Xoogga Dalka.

Waxaan saraakiisha, aliflayda, dablayda iyo qoysaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uga mahad celinayaa sida ay dhiiggooda ugu huraan difaaca, badbaadinta iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed. 


W/Q: Cumar Maxamed faruck.

Omarmjiif@gmail.com.

https://www.facebook.com/Omar Mohamed.

Xigasho: horseed Media.


Comments

Popular posts from this blog

Cilmiga Falag(Xidigis)

Cilmiga Falag(Xidigis) Qaybya 2AAD

Sooyaalka Magaalada Xamar