DALJIRKA DAAHSOON #4

 Waa Kuma  Cumar Carte Qaalib ?

(Taariikh kooban )


Cumar Carte Qaalib ,  waxa  uu ku dhashay  magaalada Hargeysa  sannadkii 1930 , waxaana uu waxbarashada hoose/dhexe uu ku qaatay Hargeysa , waxa la sheegay in uu ka  baxay dugsi sare oo ku yaalla magaalada   Cadan  ee dalka Yemen, markii dambe waxa  uu wax ku bartay jaamacada Bristol ee dalka  Ingiriiska .


Markii uu soo laabtay 1950-yadii  waxa  uu maamule ka noqday dugsi ku yaalla magaalooyinka  Laascaanood , Hargeysa  iyo Berbera , Ingiriiska  ayuu ku noqday sannadkii 1956   isaga oo takhasus ku sameeyay waxbarashada sare ,  waxa  uu soo laabtay sannadkii 1958   oo loo magacaabay maamule ku xigeenka  dugsigii dhexe ee  Sheekh , markaa dib  waxa  uu maamule ka noqday dugsi hoy ahaa oo ku yaalla magaalada Gabiley.


Waxa  uu ka  tirsanaa  xisbi la odhan jiray United Somali Congress , markii  ay Somaliland Ingiriiska  madaxbanaanida ka heshay 26 June 1960  , waxa uu ka mid ahaa raggii siyaasada majaraha u hayey .


Markii kacaanku la wareegay talada Soomaaliya , waxa loo magacaabay wasiirka  arrimaha dibeda 1969 , waxa  uu noqday Madaxweynaha  golaha  ammaanka  ee Qaramada Midoobay 1972 ,  sannadkii 1974 waxa  uu Soomaaliya  ku daray ururka jaamacada  Carabta .  Waxa  uu xilka wasiirka  arrimaha hayey illaa 1977.


7 June 1982,  Cumar Carte Qaalib iyo 16  siyaasi oo kale ayaa laga qaaday xilalkii ay ka hayeen  dawladda iyo xisbigii hanti-wadaaiga kacaanka Soomaaliyeed , waxaana 7 Febuary ee sannadkaasi maxkmada la soo taagay Cumar Carte iyo Madaxweyne ku xigeenkii i oo ahaa Ismaaciil Cali Abokor . Cumar lagu xukumay dil 1989 ka dib toddobo sanno oo uu  xidhnaa  , laakiin dilkiisa waxa  baajiyay cadaadis ka yimi beesha caalamka iyo ururada  u dooda xuquuuqda aadamaha , waxaana  loogu badelay xabsi.


Waxa  lagu hayey  xabsi guri uu ku  jiray laba sanno , bishii January 1991 , ayaa Maxamed Siyaad Barre  u macaabay Ra’iisalwsaare si uu  u soo dhiso dawladd wada hadal la gasha mucaaradkii USC oo gudaha  u soo galay  magaalada Muqdisho. Maxamed Siyaad Barre , waxa  xukunka laga tuuray 26 January 1991.


Markii ay  dawladdu sii burburaysay  , waxa  uu ugu baaqay ciidamadu   in ay hubkoodu ku wareejiyeen  jabhadaha  dagaalka kula jiray , waxaana  uu arkayey taasi xal nabad horseedi kara  oo colaadaha la isku afjaro.


Garabkii siyaasada ee jabhadii USC , ayaa Cali -Mahdi Maxamed u doortay Madaxweyne , waxaana  uu isna  Ra’iisalwsaare u magaacabay Cumar Carte Qaalib , oo jagadaasi hayey  illaa bishii May 1993.


1993 , waxa uu ka qayb galay shirkii beelaha Somaliland ee magaalada Boorama, waxaana uu tartamay Madaxweynimo.


Somaliland ayuu ku soo laabtay sannadkii 2002, isaga oo madax ka  noqday ururkii Hormood , oo ka qayb galay  doorashadii dawladdaha  hoose ee bishii December , ururkaasi ayaan ka mid noqon saddexdii xisbi ee ka soo baxay doorashadaasi .


Carte dadka  yaqaanaa , waxa ku tilmaameen in uu ahaa siyaasi karti  badan oo qunyar socod  ah , waxaana uu ahaa nin isku kalsoon hankiisu sareeyo.


Fiiro-gaar ah : Wixii aan ka tagay waa lagu dari karaa , wixii khaldana waa la sixi karaa .


Xigasho: Maxamed Boosh.

Comments

Popular posts from this blog

Cilmiga Falag(Xidigis)

Cilmiga Falag(Xidigis) Qaybya 2AAD

Go'aan Dag Dag marnaha ha qaadan