“ ILAAHOW AMA KOR ISUGU KAAYA GEE,AMA HOOS ISUGU KAAYA KEEN.”.!! ~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~

Somalia :-
Nin Masuul ah oo xil sare haya ayaa habeen I casuumay , Makhaayad heer sare ah ayuu I geeyey..: hadaan cabaar fadhinay oo cashadii dalbnay oo aan warka talantaali isu weydaaraaneyno ayaa telephoon is daba joog ah oo aan joosi lahyn na harqadiyey ama eber na looga dhigay, waa telephoneka masuulka oo intuu numberka eego ayuu muteka ama meesha codka laga xiro tabtaa oo uu codkii ama ringerka xiraa.

Aniga oo la kaftamaya ayaan ku iri , maxaad gabadhaha yar yarka ah intaad telephonkaaga u siiso, hadana aadan uga jawaabeyn codsigooda? Intuu qosolay ayuu yiri hablo ma ahee , waa Nin aan berri is aqoon jirney, ismana aqoon jirin.. Ee Facebook baan isku baranay. Sheekaddii dhex martay Isaga iyo telephoon ma joojihii ayuu ii bilaabay.

“Ninkaas waxaan ku saxiibnay FB, in muddo ah ayaan xiriir fiican lahayn, arrimaha siyaasadda ee Somaliya ayaan aad u gorfeyn jirney. Saxiibtinimadayaddii waxay gaartay inaan dhowr jeer is booqano, Annaga oo labadayduba Waqooyiga Europe kala degganayn.”

“ Waa yahay , Saxiibkey xil sare ayaa dalkii looga magacaabay.. farxad iyo reyn reyn baa ila soo daristay, tahniyad baan u diray , dhowr suit iyo ties ayaan u xawilay , dhowr Caddar oo Bvlgari ahna waan u diray ,lkn Saxiibkey Mahadsanid iska dayee, diid inuu telephoonkeyga iyo fariimahayga ka soo jawaabo. “

“Muddo haddii la joogay oo juuq waalaa jaaq ay arrintu ahayd ayaan Somaliya tegay, xafiiskiisii ayaan isku sii daayey Aniga oo isku qancinaya inuu masuulku mashquul noqday; haddiiba xoghayentiisii ayaan ugu dhiibay waraaq yar oo magaceyga oo seddexan iyo meeshaan ka imid ku qoray .. haba sheegin... diid inuu I qaabilo..
Gabadhii xoghaynta ahayd ayaan waraaq kale ugu dhiibay Aniga oo ka sheekeynaya “Nin maalqabeen ahaan jirey oo tolkiis ku xirnaa ilaa uu guursaday qof dumar ah oo reerkiisii iyo tolkiisba ka jartay ama ka gooysey. Maalqabeenku daar ama sar dheer oo aad loo xardhay oo qurux badan buu deggan yahay oo balconey ama meel dabaq ka soo yara baxsan oo la fariisto leh .. halkaas ayaa galabtii ninka taajirka inta sofa ama gambar joodariyeeysan loo dhigo lagu daliigaa ( massage) .. kaalay iska arag.. Tolkiis baa xagga hoose soo istaaga iyaga oo raba iney arkaan oo la xaajoodaan, Xaaskii baase u diiday iney guriga cag soo dhigaan.. Ninka iyo tolkiis waa isu muuqdaan mar walba mana is arkaan ....Aakhirkii tolkiis ayaa iyaga oo hoos taagan maalin cod dheer oo qaylo ah ku yiri ; “Hebeloow Ilaaheey ama kor ha isugu kaaya keeno ama hoos ha isugu keen keeno”oo ay ulajeedeen in Ilaah ama taajir ka wada dhigo ama cayr ama faqri meel hoos wada jooga ka dhigo si ay isku arkaan....Aakhiirkii nimaankii hoos ayeey isugu tageen’’!!.

“ Muddo ka dib , Saxiib ku sheegii laga qaad xilkii, Aniga hadda ilaa 4 bilood ayaan xilkaan hayaa.. maalintii la I magaacabay ilaa sacadaas sidaas ayuu sidii wax waalan telfoon budadda iga dhigaa... Anna kama qabto, waxaan sugi kari la’ahay intuu Somaliya ka imaanayo... laamaha Amaanka ayaan rabaa inaan u dhiibo si mudankiisa loo marsiiyo “

Waxaan damcay inaan iraahdo oo muxuu dembi ah oo uu muteystay oo aad ku xiri? Hadana waan baqay , Anoo is leh , armuu ku xiraa ninkaan xarrigu la fudud yahay .. Casahadeydii uun baan baqdintii kula dhacay, waa halka Reer Xamarku ka oran jireen “ mangi Malya buura “!!. Waxay tahay moojee.. malaha waxay la walax tahay “ Afgooye aad ama Afkaaga hayso “!!.

W/Q A. Farah Dulyare

Comments

Popular posts from this blog

Cilmiga Falag(Xidigis)

Cilmiga Falag(Xidigis) Qaybya 2AAD

Sooyaalka Magaalada Xamar