Sooyaalka Magaalada Xamar
Talisyadii Xamar Ka La Saanyaday
Qaybta #1
I. Xuseen Maxamed-Caydiid Faarax
Waxa uu ahaa hoggaamiye soo baxay ka dib geeridii aabbihiis, Maxamed-Caydiid Faarax. Waxa uu haystay, madaxtooyada Soomaaliya iyo xaafadaha ku gedaaman. Ka horna, waxa uu haystay, koonfurta Xamar oo dhan; lagu daray Baydhabo ilaa Jilib. Wallow ay ahayd tallaabo uu aabbihiis [Maxamed-Caydiid] qaaday, haddana waxa uu ahaa xubin ka mid ah, Talisyadii Xamar Ka La Saanayaday.
II. Cumar-Filish Maxamuud Maxamed
Waxa uu ahaa hoggaamiye ka dhambalmay Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, sannadkii 2001dii oo ahayd xilligii uu ka qayb galay heshiiskii Nakuru ee ay ka la saxiixdeen Dowladda Qaranka ee Ku Meel Gaarka iyo qaar ka mid ah madaxdii Muqdisho. Ka horna, waxa uu ahaan jiray, Xoghayaha Gaashaandhigga ee Ciidanka Xaaji Muuse Suudi Yalaxow. Dhambalankiisii ka dibna waxa uu noqday, hoggaamiye gooni goosad ah oo gaarkiis u leh talis ka amar qaata. Sidaas baa uuna kaga mid noqday, Talisyadii Xamar Ka La Saanyaday.
III. Xaaji Muuse Suudi Yalaxow
Waxa uu ahaa hoggaamiye iskiis isu taagay, markii la dhisayay maamulka gobolka Banaadir. Waxa uuna ka talinayay qaybo ka mid ah, xaafadaha: Kaaraan iyo Madiina. Awood ciidan oo beeshiisa hoose ah baa uu haystay; taas baa aana ka dhigtay mid ka mid ah, Talisyadii Xamar Ka La Saanyaday. Muuse, jagadan ka hor, waxa uu ahaa laan siyaasadeed ka tirsan ururkii USC/SSA ee uu madaxda u ahaa, mudane Cali Mahdi Maxamed oo beryahaas, isagu, ka fariistay [nastay] siyaasadda.
IV. Maxamed Qanyare Afrax
Waxa uu ahaa hoggaamiye shaac baxay xilligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre ay ba'day; ka dibna waxa uu wax ka dhisay, dowladdii Salballaar oo uu ka noqday wasiirka gudaha. Waxa uuna si gooni ah isu taagay burburkii Salballaar ka dib, waxa uu ka talin jiray, degmada Dayniile oo bannaanka Muqdisho ku taal. Taageerayaashiisa ayaa awood aad ah ku lahaa Muqdisho gudaheeda. Sidaas daraaddeed, baa uu uga mid noqday, Talisyadii Xamar Ka La Saanyaday.
V. Cismaan-Caato Xasan Cali
Waxa uu ahaa ganacsadihii dhanka dhaqaalaha ka taageeri jiray Jeneraal Maxamed-Caydiid, ka gadaalana waxa uu isu rogay, hoggaamiye siyaasadeed, goortii ay is qardoofeen Jen. Maxamed-Caydiid Faarax. Waxa uu ka talin jiray, aagga ay ku taallo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho. Waxa uu ahaa siyaasi ku xeel dheer xulafaysiga iyo kicinta dadweynaha. Qaar ka mid ah, hoggaamiyayaasha talisyada, isaga ayaa ku booriyay in ay gooni u goostaan. Sidaas awgeed baa uu uga mid noqday, Talisyadii Xamar Ka La Saanyaday.
VI. Dowladda Qaranka ee Ku Meel Gaarka iyo Cabdi-Qaasin Salaad Xasan
Waxa ay ahaayeen qayb iyaguna si gooni ah isu taagay, ka gadaale, shirkii Carta oo lagu dhisay dowlad ku meel gaar ah; madaxweynana loogu doortay, Cabdi-Qaasin Salaad Xasan. Kaas oo ka tirsanaa madaxdii iska degganayd Muqdisho. Dowladda Qaranka ee Ku Meel Gaarka, ma aysan ku lahayn awood la sheego, gudaha Muqdisho; qaybaha kale ee dalka warkoodaba daa! Ma ay jirin goobo ay si rasmi ah uga arrimin jirtay. Xubnaha dowladda ayaa la mid ahaa shacabka oo hudheellada iyo guryaha caadiga ah ee Xamar degi jiray. Qaybtanna waxa ay ka mid noqotay, Talisyaddii Xamar Ka La Saanyaday.
La soco qaybta#2
GOOL IYO GOBAMIMO
W/Q: Cumar Max'ed
Faruck
WABI LAAHI TOWFIIQ.
W/Q: Cumar Max'ed
Faruck
WABI LAAHI TOWFIIQ.
Comments
Post a Comment