Sheeko Mal dahan
Waqtigii Cusman Caato iyo Jen. Caydiid ey ku dagaalamayeen Xamar, ayaa Wiilal yar yar Magaalada loo soo diri jiray, si ey u soo ogaadaan, Ra’yiga Dadweynaha ee Dagaalka. Wiil la soo diray ayaa yimid Biibito Kaffeda lagu cabo oo ku tiil Xaafadda Xamar weyne – Via Roma.
Waxa uu dhageystay Odayaal iska sheekeeysanayo. Mid ayaa yiri: War Ninkii Fanaanka ahaa ee Maxamed Saleemaan Tubeec, Nin xun ayuu Noqday, waxa uuna isku Diray, Axmed Naji iyo Faaduma Qaasim, kaaga darane Abwaankii Maxamed Gacal Xaayoow waa iska fiirsanayay.
Wiilkii ayaa xarunta Seey biyaano ku noqday oo wixii uu soo maqlay uga sheekeeyay kuna yiri: War kuwaasi Siyaasad war uma hayaan ee fanaaniin ayeey ka sheekeeystaan. Odayaashii ayaa yiri: Waa Runtaa, kuwaa Siyaasad ha ka sugin.
Siidoow oo ahaa Wiil yar oo xarunta Nadiifiye ka ahaa ayaa yiri: Waxa ey ka hadlayeen Siyaasad. Waxaa lagu yiri: Sideed ku ogaatay?
Waxa uu yiri: Marka ey leeyihiin Maxamed Saleemaan Tubeec ayaa wax isku diray, waxa ey ula jeedaan Magaca Labaad, Qabiilka Saleemaan ayaa isku diray.
Waxaa lagu yiri: Maxaa meesha keenay Axmed Naaji iyo Faaduma Qaasim. Waxa uu yiri: waxa ey ka wadaan Qabiilada Sacad iyo Reer Hiloowle. Axmed Naaji Sacad ayaa la yiraa Magaciisa Saddaxaad ayaa ah “Sacad”. Faaduma Qaasimna Magaceeda saddaxaad Fiiriya, waa Faadumo Qaasim Hillowle, wax ey ka wadaan “Reer Hiloowle” ayaa “Sacad” ku goobtay. Abwaan Maxamed Gacalna magaciisa Saddaxaad waa Maxamed Gacal Xaayoow, wax ey ka wadaan “Abgaalna” waa iska fiirsanayay.
( Maxaa Siyaasiyiin Qurba joog ah ey fahmi la’yihiin, sida Qorax joogto ula socdaan waxa Dalka ka dhacayo).

Xigasha Yaxye Caamir.
Aqristoow nuxurka sheekda maxaa kaaga baxay?
Wali mala kulantay dad sida ugu sheekey xaalay taagan makaa ayaga kaliya is la fahansan sheekada?
Comments
Post a Comment