Daljirka Daahsoon #1

Duuliyihii Itoobiya ay qabsatay iyo sidii layaabka lahayd ee uu ku soo  baxsaday.

Duuliye Weeydoow waxa uu ku dhashay degmada #Buulobarde.

Waxa uu wax ku Soo bartay Ruushka, Waxa uu Xeeldheere ku ahaa gad gadoonka miiga waxa uu hawada ku Qori jiray Soomaaliya. Iyo xarfo kale .

Dagaalkii itoobiya 1977 waxaa uu bur buriyay dhufeeysyadii xabashida ee ugu cuslaa
Waxaa Hawada ku Qabtay diyaaradaha dagaalka itoobiya Oo garbaha ka galay xili uu rabay in uu garaaco talis ku dhawaa Addis Ababa.

Raadiyaha itoobiya ayaa laga baahiyay in ay soomaalida ka qabsadeen miig 17 iyo duuliyihii waday.   Durba xabashida ayaa biloowday damaashaadka.

Waxa ay ku amreen in uu ku dego debrezeyit airport. Markuu hubsaday in ay cagaha dhulka saareen kuwii galbinaayay ayna ridi Karin gantaal ayuu Xaweere ugu duulay Hawada asagoo marba dhinac u rogaya miiga si aan loola helin Rasaasta Ciidankii dhulka ee garoonkaas ayaa ku hurgufay sawaariiiq iyo lidka diyaaradaha
Waxa uu Sii duqeeyay talis ciidan waxa uu ka dagey Jabuuti uu shidaal ka qaatay.

Xili ay murugo ku jiraan madaxdii qaranka ayuu gacanka kala hadlay “haloow waa Duuliye Weydoow Oo Ku guda jira shaqadii Qaranka” waxaa lala ilmeeyay Farxad Alalaaska ayaa isqabsaday xarumaha gaashaandhigga iyo Afasiyooni.

Duuliye Sare Cabdullaahi Weeydoow waxaa la siiyay Bilada Dagaalka iyo Geesinimada Ee dahabka ah Geesi Qaran ee ciidankii libaaxyadii Afrika,
Waxa uu geeriyooday 1984
Duuliyihii Afrika Duuliyihii mucjisada Cirka.

Waxaa Codsan jiray in ay Arkaan Duuliyeyaal Caalami ah iyo madaxdii imaan jirtay Soomaaliya.
Waxaa Codsaday in ay Arkaan maxaabiis laga Qabtay itoobiya iyo maamulkii mingiste waana loo Diiday in ay Arkaan.


XIGASHO: Xarbi Fareey

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Cilmiga Falag(Xidigis)

Cilmiga Falag(Xidigis) Qaybya 2AAD

Sooyaalka Magaalada Xamar